Thursday, 26 November 2026
Sports

CIYAAR XIISA LEH: SOOMAALIYA U-17 HAWEENKA OO SI AAD AH U HOGAAMINAYA SUDAAN CECAFA

CIYAAR XIISA LEH: SOOMAALIYA U-17 HAWEENKA OO SI AAD AH U HOGAAMINAYA SUDAAN CECAFA

Gabdhaha 17-jirada Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah, iyagoo qeybta koowaad ee ciyaarta ku soo gabagabeeyay hoggaan ballaaran oo 6–2 ah ay kaga hormarayaan dhiggooda dalka Sudan, kulan ka tirsan tartanka CECAFA (Bariga iyo Bartamaha Afrika).

Ciyaarta oo ka socota magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, ayay kooxda Ocean Queens si buuxda u maamulayaan garoonka, iyagoo muujinaya awood ciyaareed oo sare, farsamo fiican iyo isku-duubni kooxeed oo soo jiidatay indhaha taageerayaasha.