RW Rooble oo la kulmay xildhibaanada matala Gedo.
Muqdisho : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay 16-ka xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaanada ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna booriyay in dadka ay matalaan si hufan ay ugu adeegaan dalkoodana ay mas'uuliyad iska saaraan.
Dhankooda 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha doorkii uu kulahaa doorashadooda iyo Guud ahaan qabashadii doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadaalkii uu ku bixiyay.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doortay in doorashadoodu buuq badan hareeyay waxayna gaartay in laba defmo oo Gobolka Gedo ah ay ka soo baxaan 32 xildhibaan, iyadoo la og yahay in kooxda madaxweyne Farmaajo ay taageerayeen xubnaha sheegtay inay yihiin xildhibaano lagana soo doortay Garbahaareey.