Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Sawirro : Ciidanka Jubbaland & Danab oo howlgal gaar ah fuliyay.

Sawirro : Ciidanka Jubbaland & Danab oo howlgal gaar ah fuliyay.

Ciidanka Kumaandooska Danab Ururka 5aad Guutada16 ee Xoogga Dalka Somaliyeed iyo Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland Ayaa Howlgal Qorsheeysan Oo Amaanka Lagu Xaqiijinayo waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka wada socda ayaa deegaanada ay howlgalka ka sameeyeen waxaa ay kala yihiin Yaaq Xaluu, Dhalajo iyo Kaanjaroon oo dhamaan tood kawada tirsan gobalka Jubada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbland.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dana boo howlgalkaas hogaaminayay ayaa warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay inay howlgalkooda ku burburiyeen goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Ururka 5aad Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka howlgala deegaanada maamulka Jubbaland ayaa inta badan fuliya howlgallo ay ku baacsanayaan xubnaha kamidka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyaga oo mararka qaar kala kulma weeraro toos ah & Qaraxyo.