Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya & dagaalamayaal ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku dagaalameen deegaanka Bukure oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ay weerar ku qaadeen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bukure.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Bukure ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waloow ay adag tahay in la helo xogta saxda ah ee qasaaraha dagaalka maadaama isgaarsiinta deegaanka ay tahay mid cariiri ah.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana gobolka Hiiraan uu kamid yahay goobaha ugu badan ee ay Ciidamadu kawadaan howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab.