Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiirada Puntland oo ka shiraya xaaladda Boocame.

Wasiirada Puntland oo ka shiraya xaaladda Boocame.

Kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada maamulka Puntland oo baaqday Khamiistii ina dhaaftay ayaa Sabtida maanta ah ka qabsoomaya xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in shirka maanta ay Wasiiradu diiradda ku sugayaan arrimaha amaanka oo ay koow ka tahay xiisadda ka taagan qeybo kamid ah gobolka Sool, si gaar ah deegaanka Boocame.

Waxaa maalin ka hor Boocame iyo deegaano kale oo hoostaga socdaal ku maray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo ay la socdeen Ciidamo tiro badan oo deegaanka ah waxaana soo dhaweeyay dadka deegaanadaas.

Shirkaan Golaha xukuumadda ee maamulka Puntland ayaa lasoo warinayaa inay kaga hadlayaan guud ahaan socdaalka wafdiga Somaliland ee gaaray deegaano ay isku hayaan labada Maamul.

Inta badan Puntland & Somaliland ayaa ku loolama maamulka deegaanada ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana jira siyaasiyiin deegaanadaas kasoo jeeda oo labada maamulba xilal ka haya.

Dhowr jeer ooh ore waxaa dhacay dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland kaasi oo la xiriira maamulka & gacan ku heynta gobolada Sanaag iyo Sool.