Sawirro : Ciidanka NISA Jubaland oo fashiliyay Qarax gaari lagu xiray.
Kismaayo :Ciidamada Nabad Sugidda & Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ee maamulkaas ku fashiliyay Miino nuuca dhajiska ah oo lagu xiray gaari nuuca raaxada ah.
Sida ay xaqiijinayaan wararka aanu ka heleyno magaalada Kismaayo gaariga Qaraxa lagu xiray ee ciidamadu fashiliyeen ayaa nuuciisu yahay Surf, waxaana iska leh mid kamid ah Nabadoonada beelaha dega Jubaland.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo arkayay gaariga markii Qaraxa lagu xirayay ayaa ku wargeliyay Suldaan Cali Jabaan oo kamid ah Nabadoonada deegaanka, waxaana intaa kadib lagu wargeliyay Ciidanka Nisa Jubaland oo ugu dambeyn ku guuleystay inay Qaraxa ka furaan gaariga.
Suldaan Cali Jabaan ayaa kamid ah Odayaasha dhaqanka deegaanada maamulka Jubaland islamarkaana sida weyn u taageersan Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Magaalada Kismaayo oo ah Caasimadda Kumeel gaarka ah ee Jubaland ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo abaabulan oo lala eegto dadka taageersan iyo kuwa mucaarada madaxweynaha aan dhicin ee Jubaland Axmed Madoobe.



