27 sano ka dib maxaa lagu tilmaami karaa xaaladda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Puntland?
Puntland waxaa ay jirsatay 27 sano, Waxaa Puntland wada dhistay shan gobol oo kala ah Barri, Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag.
Inkasta oo awood ahaan laba kamid ah shantaas gobol ay Somaliland la qaybsatay, haddana waxaa muuqata in xilligaan ay si toos ah uga go’een maadaama ay ku dhawaaqeen maamul goboleed la magacbaxay Waqooyi barri Soomaaliya.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland waxaa ay eeda saarayaan madaxwayne Siciid Deni iyo siyaasadiisa ku wajahan arrimaha Soomaaliya.
Khilaafka waqtigiisu dheeraaday ee kala dhaxeeya DFS ayaa sabab u noqday in dhaqaalo xumo soo w ajahdo Puntland iyo in gobolada Sool iyo Sanaag ay ku dhawaaqaan aayo ka tashigooda.
Xukuumadda Siciid Deni ayaa ku eedaynaysa FGS ee uu hogaamiyo Xassan Shiikh in ay sabab u tahay kala dhantaalida gobolqdii ku midoobay Puntland 1998, kadib markii ay dhaqaalo iyo taageero siyaasadeedba sii say SSC Khatuma oo ay ku midaysnaayeen qaar ka mid beelaha ka soo jeeda Sool oo Dhulbahantuhu hogaaminayay.
Sanadguurada 27 aad waxaa ay ku soo beegmi doontaa xilli Puntland ay isugu soo hartay 3 gobol oo kala ah Gobollka Barri, Nugaal iyo Mudug, wallow ay Puntland sheegtay in gobolada Sool iyo Sanaag ay sidoodii uga tirsanaan doonaan Puntland ilaa la isaga yimaado.
Wixii Faahfaahin intaas dheer ka dheeho Smssomalitv.com SMS Somali TV @SMSSomaliTV