Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Mooshinka RW Xamse Cabdi Barre oo xargaha goostay iyo Xildhibaan Ismaaciil Iidoow oo war ka soo saaray.

Mooshinka RW Xamse Cabdi Barre oo xargaha goostay iyo Xildhibaan Ismaaciil Iidoow oo war ka soo saaray.

Waxaan halkaan rabaa in aan ummadda Soomaaliyeed si guud ula wadaago dagaal in muddo ah ka aloosnaa degmadda Luuq ee Gobolka Gedo una dhaxeeyey labo beelood oo deegaanka wada dega oo xalintiisa dadaalo badan ku bixiyey, hase ahaatee ka quustey ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya laga waayay in nabadaynta qayb ka noqdaan, waxaana iso baxday xukuumada hada joogta inan dalka iyo dadka u sinayn.


Haddaba anigoo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Barlamaanka 11aad ee kursiga tirsigiisu yahay #hop275 isla markaasna ku metela dhinaca kale ee raadinaayey xal nabadeed, waxaan bulshada Soomaaliyeed si guud ah si gaar ah ugu sheegayaa inaan ka quustey, isla markaasna lumisey kalsoonida bulshada aan siyaasadda ku metalo, sidaas darteed, Anigoo fulinaya dareenka dadka aan matalo waxaan mooshin la xisaabtan iyo kalsooni kala noqosho ka keenaya Xukuumada aan dalka iyo deegaanka u sinayn si dalka u helo xukuumad dadka Sooamaaliyeed midnimadooda ka shaqaysa, una wada adeegta.

Ugu dambeyntii, maadaama Xukuumadda ay ku fashilantay joojinta dagaalada beelaha walaalaha ah, kana leexatey barnaamijkeedii siyaasadeed ee barlamaanku codka kalsoonida ku siiney, waxaan xildhibaanada Golaha Shacabka ugu baaqayaa in si degdeg xukuumadda loo horkeeno Golaha Shacabka lagana keeno Mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Mahadsanidiin,