Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Kulan la Qaatay Odayaasha Dhaqanka Beledxaawo
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee degmada Beledxaawo, gobolka Gedo, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada degmada, loona kordhin lahaa wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka.
Waxaa sidoo kale lagaga hadlay taageerada lagu garab istaagi karo Dowladda Federaalka iyo ciidamada Qaranka ee howlgallada ka wada gobolka.
Xoghayaha ayaa uga mahadceliyay odayaasha doorkooda muhiimka ah ee xasilinta deegaanka, wuxuuna ku booriyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda nabad-dhisidda iyo wadajirka bulshada.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu adkaynayo amniga gobollada dalka.





