Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Weerar Hubeysan oo Lagu Qaaday Warshaddii Hore ee Birta Dayniile, Dad Shacab Ahna Si Xoog Ah Looga Raray

Weerar Hubeysan oo Lagu Qaaday Warshaddii Hore ee Birta Dayniile, Dad Shacab Ahna Si Xoog Ah Looga Raray

Kooxo hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ayaa xalay weerar culus ku qaaday dhulka Warshaddii hore ee Birta, oo ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa yimid kadib markii dadkii halkaas deganaa si xoog ah looga raray, iyadoo lagu eedeeyay in dhulkaasi la doonayo in lagu wareejiyo ganacsato si gaar ah u taageersan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysan ay weerarka u adeegsadeen qoryaha culus iyo baasuukayaal garbaha laga tuuro, iyadoo muddo daqiiqado ah uu halkaas ka socday iska horimaad dhexmaray kooxda weerarka qaaday iyo ciidamo horay ugu sugnaa goobta.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, balse dhacdadan ayaa cabsi iyo walaac xooggan ku abuurtay dadka ku nool agagaarka Warshadda Birta, maadaama rasaas xooggan laga maqlayay deegaanka xalay saqdii dhexe.

Warshaddan, oo dad badan ay muddo ku noolaayeen, ayaa dhowaan la sheegay in guryahooda la dumiyay si xoog ahna looga saaray. Dadkaasi ayaa hore u sheegay in aysan aqbalayn in dhulkooda si sahlan loo boobo, iyagoo ballan qaaday in ay iska difaaci doonaan cid kasta oo isku dayda inay la wareegto.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay booqday dhulka Warshadda Birta, kuwaas oo ugu baaqay dadkii halkaas laga barakiciyay in ay iska caabiyaan kooxaha dhulka boobaya. Xildhibaanada ayaa sidoo kale ballanqaaday inay garab taagnaan doonaan shacabka xaqooda loo diiday.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiiminaysa khilaafka adag ee ka taagan lahaanshaha dhulalka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyo doorka ciidamada dowladda iyo ganacsatada saameynta leh ee arrimahan lagu eedeeyo.