Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo Daabacay Majaladdiisa Rasmiga ah (Vol.2 – Issue 5, Jan–Jun 2025)

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo Daabacay Majaladdiisa Rasmiga ah (Vol.2 – Issue 5, Jan–Jun 2025)

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daabacay cadadkii shanaad ee Majaladda Xafiiska (Vol.2 – Issue 5), taasoo daboolaysa waxqabadka nuskii hore ee sannadka 2025.

Majaladdan cusub ayaa si qoto dheer u soo bandhigaysa guulaha muhiimka ah ee uu xafiisku gaaray, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Soo saarista Warbixinta Waxqabadka 2024

Hirgelinta Qorshaha Baarista Hantidhowrka ee sanadlaha ah

Aasaaska Machadka Hantidhowrayaasha Soomaaliyeed

Ka-qaybgalka shirar heer gobol iyo heer caalami ah

Xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo xirfadda shaqaalaha

Sidoo kale, majaladdu waxay muujinaysaa sida Xafiiska Hantidhowrka Guud ugu heelan yahay horumarinta hufnaanta maaliyadeed iyo bixinta adeegyo tayo sare leh oo ku dhisan isla xisaabtan iyo mas’uuliyad.

Majaladdani waa mid ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee lagu hormarinayo maamulka maaliyadeed ee dowladda, taasoo muhiim u ah kobcinta kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dawliga ah.