Puntland oo Dowladda Turkiga ku Wareejisay Markabkii Sea World ee Hubka siday
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Dowladda Turkiga Markabkii MV Sea World, kaasoo dhowaan lagu qabtay xeebaha Puntland xilli uu sido hub iyo agab ciidan. Wareejinta ayaa timid kadib kulan maanta ka dhacay Madaxtooyada Puntland, halkaas oo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Turkiga, oo uu hoggaaminayay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland, wafdiga Turkiga ayaa Garoowe u yimid kadib wada-xaajooyin muddo socday oo ku saabsan lahaanshaha Markabka MV Sea World iyo shixnaddiisa. Dowladda Turkiga ayaa Puntland la wadaagtay cadeymo rasmi ah oo muujinaya in dhammaan hantida saaran markabka ay leedahay Dowladda Turkiga.
Qoraalka Puntland ayaa lagu xusay:
“Dowladda Puntland oo ka duuleysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnadda uu sido, ayaa go’aansatay in mas’uuliyadda Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga.”

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay kor u kacday feejignaanta amniga badaha Soomaaliya, iyadoo markabkan uu noqday mid si weyn loogu falanqeeyay saxaafadda gudaha iyo dibadda kadib markii lagu qabtay isagoo sida hub aan loo fasixin.
Dowladda Turkiga wali kama aysan hadlin si faahfaahsan nooca hubka saarnaa markabka, hase yeeshee, ilo-wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in shixnaddaasi ay ku jirtay agab ciidan oo loogu talagalay hawlo milatari oo gaar ah.

Markabkan ayaa hadda si buuxda ugu jira gacanta Dowladda Turkiga, waxaana la filayaa in dib loo celiyo, iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo in la xalliyo wixii cabashooyin ah ee ka dhashay dhacdada.


