Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ka Hadlay Khasaaraha Dabka Ka Kacay Suuq Bacaad
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), ayaa ka hadlay khasaaraha naf iyo maal oo ka dhashay dab xooggan oo xalay ka kacay Suuq Bacaad, mid ka mid ah suuqyada ugu waa weyn caasimadda.
Guddoomiye Mungaab ayaa xusay in gurmad degdeg ah loo fidiyey ganacsatada iyo dadka shacabka ah ee ay saameeyeen ololka iyo gubashada suuqa, balse caqabadaha dhanka waddooyinka ah ay adkeeyeen gaarsiinta adeega degdegga ah.
“Ambalaasta xitaa meel aan ka galino Suuqa ayaan weynay, waxaana dadaal badan ku bixinay sidii loo gaarsiin lahaa gurmad dadka ku waxyeeloobay,” ayuu yiri Guddoomiye Mungaab.
Wuxuu sidoo kale muujiyey sida ay dowladda hoose ugu heelan tahay in la hirgeliyo dib u habeyn ballaaran oo lagu samaynayo suuqyada Muqdisho, si looga hortago musiibooyinka dabka iyo xaaladaha degdegga ah.
“Ma ahan in la siyaasadeeyo qorshaha dowladda ee dib u habeynta iyo waddooyinka loo sameynayo suuqyada magaalada Muqdisho. Waa arrin muhiim ah si loo badbaadiyo naf iyo hanti,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu jiro khasaare aad u baaxad weyn oo ka dhashay dabkii xalay, inkasta oo tirakoobka rasmiga ah ee khasaaraha wali aan si buuxda loo shaacin. Ganacsato badan ayaa ku waayay hanti, halka qaar kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, waxaana socota qiimeyn rasmi ah oo lagu ogaanayo baaxadda khasaaraha.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la dardar gelin doono qorshayaasha sugaya ammaanka, badbaadada iyo kaabeyaasha suuqyada si looga hortago dhacdooyin kale oo la mid ah.