Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Abaabul Dagaal oo xiligan laga dareemayo deeganka Suufta.

Abaabul Dagaal oo xiligan laga dareemayo deeganka Suufta.

Deegaanka Suufta oo ah seddex-xagal istiraatiiji ah kuna taallo xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka soconaya abaabul siyaasadeed oo xooggan, kaas oo ay qeyb ka yihiin dowladda Jubaland iyo dowladaha dariska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.

Wararka laga helayo Suufta ayaa sheegaya in madax ka tirsan Jubaland, saraakiil ka socda dowladda Kenya, iyo wakiillo ka socda Itoobiya ay halkaas ku leeyihiin shirar isdaba joog ah oo looga hadlayo arrimo amni iyo siyaasadeed, gaar ahaan xaaladda magaalada Balad-Xaawo oo haatan ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta joogitaanka Cabdirashiid Janan.