Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Diyaarad Qumaatiga u Kacda oo Itoobiya leedahay oo Saakay Dul Heehaabtay Hawada Balad-Xaawo

Diyaarad Qumaatiga u Kacda oo Itoobiya leedahay oo Saakay Dul Heehaabtay Hawada Balad-Xaawo

Saakay aroortii hore ayaa diyaaradda qumaatiga u kacda (helicopter) oo laga leeyahay dalka Itoobiya waxa ay dul heehaabtay hawada degmada Balad-Xaawo, gaar ahaan agagaarka xerada UK, halkaas oo uu ku sugan yahay Cabdirashid Janan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah.


Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradda ay muddo kooban ku dul wareegtay xerada iyo nawaaxigeeda, iyada oo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeeddada ay halkaas uga timid, balse dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisad siyaasadeed iyo amni laga dareemayo gobolka.


Sidoo kale, Jubbaland ayaa wada abaabul ciidan oo mar kale ay dib ugu laabanayaan magaalada Beledxaawo oo toddobaad ka hor dagaal looga saaray, isla markaasna ay hadda ka taliyaan ciidanka Dowladda Federaalka.


Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir ayaa hore u sheegay in ciidanka Itoobiya ku hanjabeen in ay soo weerari doonaan magaalada Beledxaawo, tillaabadaasina aaan la aqbali doonin.


Ciidanka Itoobiya ayaa hadda ku sugan magaalada Doolow iyo deegaannada xuduudka ku yaalla, waxaana ay taageeraan askarta Jubbaland oo ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.