Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Wasiiru-Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo Ka Qeyb Galay Shir Caalami ah oo Ka Dhacay Lusaka, Zambia

Wasiiru-Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo Ka Qeyb Galay Shir Caalami ah oo Ka Dhacay Lusaka, Zambia

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa hoggaaminayay wafdi ka socday Soomaaliya oo ka qeyb galay Kulanka 9aad ee Guddiga Farsamo iyo Wasiirrada ee COMESA Shirka oo ka dhacay magaalada Lusaka, Zambia,ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Beeraha, Deegaanka, iyo Kheyraadka Dabiiciga ah,

iyadoo la doonayo in la dardargeliyo s-dhexgalka goboleed iyo horumarinta silsiladaha qiimaha ee u adkaysan kara isbedelka cimilada.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku xusay

Himilooyinka Soomaaliya ee ah in la gaaro 10–15% kobac wax soo saar beereed ah sanadka 2029.


Ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah sida dhulka beereed, biyaha hoostooda, xeebaha dhaadheer, iyo xoolaha nool isagoo hoosta ka xariiqay fursadaha dhaqaalaha badda (Blue Economy)gaar ahaan kalluumeysiga iyo suuqyada caalamiga ah.

Shirkan ayaa Soomaaliya u ahaa fursad muhiim ah oo ay ku dhiirrigelin karto iskaashi goboleed iyo horumar waara oo ku saleysan kheyraadkeeda dabiiciga ah.