Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo loo Magacaabay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka JSP

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo loo Magacaabay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka JSP

Iyada oo lagu guda jiro dadaallada lagu xoojinayo laguna dhamaystirayo qaab-dhismeedka Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), ururka ayaa si rasmi ah u shaaciyey magacaabista Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud inuu noqday Ku-xigeenka Xoghayaha Guud.

Dr. Xuseen, oo ka mid ah aas-aasayaashii ururka JSP, waxa uu leeyahay waayo-aragnimo dheer iyo ka-go’naansho dhab ah oo ku aaddan himilooyinka ururka ee ku saleysan caddaalad, midnimo iyo hogaamin hufan.

Magacaabistiisa waxay ka mid tahay tallaabooyinka lagu xoojinayo hogaanka sare ee ururka xilli uu wajahayo wajiyo cusub oo horumarineed.

Hoggaanka iyo dhammaan xubnaha ururka JSP ayaa si kal iyo laab ah ugu hambalyeeyay Dr. Xuseen magacaabista xilkan muhiimka ah, iyagoo muujiyay kalsooni buuxda oo ay ku qabaan kartidiisa. “Waxaan u rajeynaynaa guul iyo horumar shaqo oo miro-dhal ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ururka.

Dadaalladan dib-u-habeynta ah ayaa imaanaya xilli muhiim ah oo ururka uu ku hawlan yahay ballaarinta saameyntiisa iyo hirgelinta himilooyinkiisa guud ahaan dalka.