Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Dhaqangelisay Nidaamka Casriga Ah Ee Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga (CRVS)

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Dhaqangelisay Nidaamka Casriga Ah Ee Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga (CRVS)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqangelisay nidaamka casriga ah ee Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ee loo yaqaan CRVS (Civil Registration and Vital Statistics), tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka xogta muwaadiniinta iyo adeegyada dowliga ah.

Nidaamkan cusub ayaa ujeedkiisu yahay in si hufan oo casri ah loo diiwaangeliyo dhalashada, dhimashada, guurka, furriinka, iyo isbeddellada kale ee muhiimka u ah xaaladaha madaniga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale saldhig u noqon doonaa qorsheynta horumarineed, adeega bulshada, iyo istaraatijiyadaha amniga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in hirgelinta CRVS ay muujinayso horumar muuqda oo dowladda ka gaartay dhanka dijitaalka, daahfurnaanta, iyo maamul wanaagga. Sidoo kale, waxaa la filayaa in nidaamkan uu meesha ka saaro nidaamkii hore ee gacanta ku saleysnaa, kaas oo muddo dheer caqabad ku ahaa helista xog dhab ah oo la isku halleyn karo.

Hirgelinta nidaamkan ayaa la filayaa in lagu ballaariyo guud ahaan dalka, iyadoo la kaashanayo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya horumarinta maamulka iyo arrimaha bulshada.