Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Taliyaha Ciidanka Pakistan oo si Adag uga Jawaabay Hadal ka Soo Yeedhay Taliyaha Ciidanka Hindiya

Taliyaha Ciidanka Pakistan oo si Adag uga Jawaabay Hadal ka Soo Yeedhay Taliyaha Ciidanka Hindiya

Taliyaha guud ee ciidamada Pakistan, Janaraal Asim Munir, ayaa si adag uga jawaabay hadal dhowaan kasoo baxay taliyaha ciidamada Hindiya. Isagoo adeegsanaya tusaale macno leh, Janaraal Munir wuxuu yiri:

“Hindiya waa sida baabuur Mercedes ah oo dhalaalaya kuna socda waddo weyn sida Ferrari, annaguna waxaan nahay gaari weyn oo buuxaan dhagxaan. Haddii gaari weyn uu ku dhaco gaari yar, yaa noqon doona kan khasaaruhu ku yimaado?”

Hadalkaas waxaa loo arkaa digniin cad oo ku wajahan Hindiya, taas oo muujinaysa in Pakistan aysan ka liidan awood ciidan, inkastoo ay jirto aragti ah in Hindiya ay horumar ballaaran samaysay.

Hadalka taliyaha ayaa si weyn looga hadal hayaa warbaahinta gobolka iyo caalamkaba, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan xiisadda u dhexeysa labada dal ee leh awoodda nukliyeerka.