Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha
Muqdisho, Soomaaliya – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo labada mas’uul ay isku afgarteen muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga iyo wada shaqeynta dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Intii uu kulanku socday, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa xusay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka istaraatijiyadeed ee labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Shiinaha uu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo muddada dheer garab taagnaa Soomaaliya.
Dhinaca kale, Safiirka Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa muujiyay sida dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isaga oo xusay in Soomaaliya ay tahay saaxiib dhow oo ay muhiim u tahay gobolka iyo caalamkaba.
Labada dhinac ayaa sidoo kale falanqeeyay xaaladda gobolka, iyagoo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo nabadda iyo wada shaqeynta wadamada gobolka, lana ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalalka saaxiibka ah.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya iyo Shiinaha ka mideysan yihiin diidmada iskaashiga Taiwan iyo Somaliland, iyadoo Shiinaha uu si adag u difaaco mabda’a “Hal Shiinaha” ah, kuna adkeysanayo in Taiwan ay tahay qeyb aan ka go’i karin dhulkiisa.