Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka DFS & AS oo ka dhacay Gobolka Hiiraan  

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka DFS & AS oo ka dhacay Gobolka Hiiraan  

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasi ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Ciidamada iskaashanaya ee federaalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa dhowr jiho ka weeraray xubno katirsan ‘AS’ oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan sida ay ku xog-warrameen saraakiisha howlgalkaas hoggaamineysay.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu sii soconayo howlgalka ka dhanka ah ‘AS’ ilaa inta ay dib uga qabsanayaan deegaannada dhowaan gacantooda ka baxay sida ay hadalka u dhigeen.

Deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan waxaa culeys saaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda iyaga oo doonaya in ay dib u qabsadaan maadaama kol hore isaga baxeen una gacan galeen AS.