DEGDEG: Mucaaradka oo ku kala jabay ka hadalka kulankii natiijo la’aanta kusoo dhammaaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar hoose ayaa sheegaya in mucaaradka Soomaaliyeed ay ku kala aragti duwanaadeen ka hadalka kulankii galabta ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo kusoo dhammaaday natiijo la’aan.
Sida aan horey u tabinay fiidnimadii caawa , markii mucaaradku ay kasoo laabteen Villa Somalia, waxay isla markiiba isugu tageen kulan gaar ah oo ka dhacay guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Kulankaas kadib, xog-wareysi dhexdiisa ah ayaa muujiyay kala aragti duwanaansho weyn.
Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa si cad uga soo horjeestay in warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed lala wadaago wixii kulanka ka soo baxay, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin in aan la aamusin, isla markaana shacabka lala wadaago wixii dhacay — gaar ahaan diidmada Madaxweynaha ee ku aaddan in wax laga beddelo dibna loo eego isbeddeladii lagu sameeyay Dastuurka.
Ilo ku dhow mucaaradka ayaa sheegaya in wali aysan isku raacsaneyn go’aanka kama dambaysta ah, taas oo keentay in war rasmi ah aysan ilaa iyo hadda la wadaagin shacabka iyo saxaafadda.
Waxaa laga sugayaa mucaaradka mowqif midaysan iyo war rasmi ah oo cadaynaya halka ay taagan yihiin. Wixii war ah ee kusoo kordha arrintan, halkaan ayaad kala socon doontaan.