Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Dib-u-Dhiska Waddooyin ku Yaalla Degmada Shangaani
Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska waddooyin burbursan oo ku yaalla degmada taariikhiga ah ee Shangaani.
Wuxuu sheegay in waddooyinkan si casri ah oo tayo leh loo dhisi doono, isagoo xusay muhiimadda ay u leeyihiin kobaca dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda caasimadda.
Dr. Muungaab ayaa ugu baaqay dadka deegaanka iyo milkiilayaasha guryaha burbursan — gaar ahaan kuwa qurbaha ku sugan — in ay ka qeyb qaataan horumarka, islamarkaana dib u dhistaan guryahooda.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay isdiiwaangeliyaan si ay uga qeyb qaataan doorashada qof iyo cod ee dhowaan la filayo.
Munaasabadda ayaa dhacday xilli uu dagaal ka socdo magaalada Muqdisho, kaasoo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda, kuwaasoo isku haya dhul ay dad rayid ah deganaayeen oo si qasab ah looga rarayo.