Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

WAR DEG-DEG AH: Ciidamada Dowladda oo laga qaaday Barxadda Horseed ee Tarabuunka kadib Wadahadal

WAR DEG-DEG AH: Ciidamada Dowladda oo laga qaaday Barxadda Horseed ee Tarabuunka kadib Wadahadal

Ciidamadii dowladda ee si weyn u hubeysnaa ee saaka ku hareereeyay xaafadda Tarabuunka, gaar ahaan barxadda Horseed, ayaa goordhow laga qaaday halkaasi, iyadoo xaaladda hadda ay tahay mid deggan.

Wararka ay helayso warbaahinta ayaa sheegaya in wadahadal laga gaaray xiisaddii ka dhalatay isku dhacyadii saaka, taasoo keentay in ciidamada dowladda – kuwa watay hub culus iyo kuwa kale – laga saaro goobtii ay fariisinka ku lahaayeen, islamarkaana waddooyinka la furo.

Dagaalkii dhacay saaka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac ee iska soo horjeeday iyo sidoo kale dad rayid ah.

Mas’uuliyiin deegaanka ah iyo odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay door muhiim ah ka qaateen dejinta xaaladda, waxaana hadda laga war dhowrayaa tallaabooyinka xiga ee lagu xalinayo arrinta si waarta.