Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo si adag uga hortimid tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada dalka

Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo si adag uga hortimid tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada dalka

Safaaradda Soomaaliya ee Washington D.C. ayaa si adag uga hortimid dadaallada lagu wiiqayo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Qoraal rasmi ah oo ay soo saartay, ayay safaaraddu ku xaqiijisay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay weli tahay dal mideysan oo leh madax-bannaani buuxda.

Safaaraddu waxay muujisay xiriirka dhow ee amni ee kala dhexeeya Mareykanka, iyada oo sheegtay in sanadkan 2025 la fuliyay in ka badan 20 hawlgal oo wadajir ah oo lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada sida ISIS iyo Al-Shabaab.

Waxa kale oo ay digniin ka bixisay in wiiqidda midnimada dalka ay fursad siin karto kooxaha argagixisada, ayna muhiim tahay in beesha caalamka ay taageerto qaranimada Soomaaliya.

Bayaankan ayaa si toos ah uga jawaabay warqad uu Senatar Ted Cruz u diray Madaxweyne Donald Trump, taasoo uu ku dalbanayay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Somaliland weli ka tirsan tahay Soomaaliya, midnimaduna ay tahay arrin aan laga tanaasuli karin.