Boqolaal Qof oo Ku Soo Qulqulay Xeebta Kismaayo Kaddib Markii Nibiri Lagu Arkay – Cambaarto La Rumeysan Yahay Inuu Ku Jiro Gudaha Xayawaanka
Boqolaal qof oo shacab ah ayaa isugu soo baxay xeebta Kiboora ee magaalada Kismaayo maanta, kaddib markii Nibiri (Whale) la sheegay inuu ku soo caariyay xeebtaasi, taasoo dhalisay xiisad iyo baadi-goob aan caadi ahayn.
Dad badan oo ku hubeysan masaar iyo toorrey ayaa goobta yimid iyagoo isku dayaya inay si u gaar ah u jaraan jirka nibiriga, iyagoo rumeysan in uu gudaha uga jiro cambar (ambergris) — maadada qaaliga ah ee laga helo nibiriga qaar, lagana isticmaalo warshadaha cadarka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadweynaha ay goobta kusoo gaareen daqiiqado gudahood markii la xaqiijiyay in nibiri weyn uu ku soo caariyay xeebta. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in tani ay tahay fursad dhaqaale oo lama filaan ah, maadaama cambarku yahay mid qiimo sare leh suuqyada caalamiga ah.
“Waxaan maqalnay in cambar lagu arkay nibirigii dhowaan xeebta Yemen ka soo caariyay, markaa waxaan halkan u nimid rajadaas,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada goobta ku sugneyd.
Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya in cambar laga helay nibirigaasi, balse saraakiisha deegaanka ayaa bilaabay in ay dadweynaha kala fogeeyaan si ay u xaqiijiyaan xaaladda caafimaad iyo badbaadada deegaanka.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐋𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢-𝐠𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐂𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚?
Ambergris, oo dadku u yaqaannaan cambar, waa walax dabiici ah oo laga helo mindhicirka nibiriga nooca sperm whale, taasoo aad loo qiimeeyo maadaama ay qayb muhiim ah ka tahay samaynta cadarka tayada sare leh. Qiimihiisu wuxuu gaari karaa kumanaan doollar halkii kiilo.
Dowladda hoose ee Kismaayo ayaa la filayaa inay si degdeg ah u soo saarto bayaan ku saabsan xayawaanka xeebta ku soo caariyay, iyo tallaabooyinka laga qaadayo ilaalinta deegaanka iyo kheyraadka badda.