Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Kulan Ka Dhacay Beledweyne oo Looga Hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Kulan Ka Dhacay Beledweyne oo Looga Hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Waxaa maanta magaalada Beledweyne ka dhacay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo laga soo saaray go’aammo muhiim u ah amniga gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta degmada Beledweyne, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, saraakiil ciidan oo ka kala socday Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan qaybaha ka socda Itoobiya iyo Jabuuti.

Cali Jeyte Cismaan, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Macawiisleeyda, ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay isku-dubaridka iyo abaabulka ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda.

Wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu noqdo mid aan lahayn jiho iyo abaabul muuqda.

“Ma suuragal ah in aan la dhisin awood ciidan oo isku dhafan. Waxaan u baahan nahay taageero joogto ah iyo in laga faa’iideysto fursadaha ay bixinayaan ciidamada AUSSOM,” ayuu yiri Cali Jeyte, isaga oo xusay in Itoobiya iyo Jabuuti ay door weyn ku leeyihiin dagaalka socda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AUSSOM dadaalka ay ugu jiraan xoreynta deegaannada ku jira gacanta Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in iskaashi buuxa laga rabo dhammaan dhinacyada si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo laga saaray qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, halkaasoo Al-Shabaab ay weerarro ku soo qaadeen.

Go’aannada laga gaaray kulankan ayaa la filayaa in ay xoojiyaan qorshaha guud ee dowladdu ku dooneyso in gobolka Hiiraan looga ciribtiro kooxda Al-Shabaab, iyadoo lagu tiirsan yahay iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeedba.