Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Madaxweynayasha Soomaaliya iyo Galmudug oo si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Dhusamareeb

Madaxweynayasha Soomaaliya iyo Galmudug oo si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Dhusamareeb

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaasoo ay fuliso Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.

Mashruucan oo ay hirgelinayso Dowladda Hoose ee Dhusamareeb, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeega bulshada iyo maamulka deegaanka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa muujisay iskaashi xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug si loo xoojiyo horumarka iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka.