Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ardayga Kaalinta Koowaad Ka Galay Imtixaanka Qaranka Sannad Dugsiyeedka 2024/25 oo la Shaaciyey

Ardayga Kaalinta Koowaad Ka Galay Imtixaanka Qaranka Sannad Dugsiyeedka 2024/25 oo la Shaaciyey

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee dalka, sannad dugsiyeedka 2024/25.

Wasaaraddu waxay sheegtay in 𝐂𝐚𝐚𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢 ay noqotay ardayga ugu sareeya dalka, iyada oo heshay celcelis dhan 91.99%. Caaisha waxay wax ka baranaysay Dugsiga SOS ee gobolka Banaadir.

Wasaaradda Waxbarashadu waxay hambalyo u dirtay dhammaan ardaydii imtixaanka ka qeyb gashay, iyadoo si gaar ah u amaantay ardayda kaalmaha hore gashay sida 𝐂𝐚𝐚𝐢𝐬𝐡𝐚 kuwaas oo muujiyey dadaal iyo go’aan adag.

𝗞𝗵𝗮𝗮𝗹𝗶𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗻𝘂𝘂𝗿 𝗫𝘂𝘀𝗲𝗲𝗻 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝟮𝗮𝗮𝗱

Khaalid waxuu wax ka baranayey Dugsiga Markabley oo kamid ah Dowlad Goboleedka Jubbaland.

𝑭𝒆𝒚𝒔𝒂𝒍 𝑰𝒃𝒓𝒂𝒂𝒉𝒊𝒎 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑪𝒂𝒍𝒊 𝒐𝒐 𝒈𝒂𝒍𝒂𝒚 𝑲𝒂𝒂𝒍𝒊𝒏𝒕𝒂 3𝒂𝒂𝒅.

Faysal waxuu dhiganayey Dugsiga Rainbow oo katirsan Koonfur-Galbeed.

𝙁𝙖𝙧𝙩𝙪𝙪𝙣 𝙏𝙖𝙝𝙡𝙞𝙞𝙡 𝘾𝙖𝙖𝙡𝙞𝙣 𝙂𝙪𝙪𝙡𝙚𝙚𝙙 𝙤𝙤 𝙜𝙖𝙨𝙝𝙖𝙮 𝙆𝙖𝙖𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 4𝙖𝙖𝙙.

 Fartuun Tahliil Caalin Guuleed oo gashay Kaalinta 4aad.

Fartuun waxey dhiganeysay Dugsiga Hiran Integrated oo kamid ah Dugsiyada ku yaalla Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗾𝗮𝗻𝗶 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝘅𝗮𝗸𝗶𝗶𝗻 𝗫𝗮𝘀𝘀𝗮𝗻 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗞𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝟱𝗮𝗮𝗱.

Cabdiqani waxuu dhiganayey Dugsiga Sunlight oo ka tirsan Galmudug.

Kaalinta 6aad waxaa si wadajir ah u galay 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗜𝘀𝗮𝗮𝗾 𝗫𝘂𝘀𝘀𝗲𝗲𝗻, 𝗗𝘂𝗴𝘂𝘀𝗴𝗮 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝘅𝘂𝗱𝗶𝗶𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗥𝗮𝗺𝗹𝗮 𝗜𝘀𝗮𝗮𝗾 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱, Dugsiga Albashiir, labadooduba waa Koonfur-Galbeed.

Munaasabadda lagu shaacinayey natiijooyinka ayaa ahayd mid si weyn loogu dheg taagay, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin, waalidiin iyo macallimiin.