Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo Warbaahinta uga Warbixiyay Shirweynaha Qaran ee Todobaadka Kalluumeysiga 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo Warbaahinta uga Warbixiyay Shirweynaha Qaran ee Todobaadka Kalluumeysiga 2025

Muqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya, Mudane Cabdi Dirshe, ayaa maanta warbaahinta la hadlay si uu uga warbixiyo shirweynaha Qaran ee Todobaadka Kalluumeysiga ee la qabanayo sanadkan 2025.

Shirkan sanadlaha ah oo ah madal muhiim u ah bahda kalluumeysiga ee dalka, ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho todobaadkan.

Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ah: “Badqabka iyo Tayada Kalluunka”, taas oo muujinaysa muhiimadda la saarayo caafimaadka, nadaafadda kalluunka, iyo horumarinta dhaqaalaha badda.

Intii uu socday shir jaraa’idka, Mudane Cabdi Dirshe wuxuu muujiyay ahmiyadda shirweynahan uu u leeyahay isku xirka daneeyayaasha kala duwan sida dowladda, beelaha kalluumeysatada, ganacsatada, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo horumariyo wax-soosaarka kalluumeysiga.

“Shirkan waa madal qaran oo lagu falanqeeyo arrimaha la xiriira badbaadada cuntada, tayada kalluunka, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Shirweynaha Qaran ee Todobaadka Kalluumeysiga 2025 ayaa ujeedkiisu yahay wacyigelin, dhiirrigelinta maareynta wanaagsan ee kheyraadka badda, iyo soo jiidashada maalgeshiga, iyadoo kalluumeysigu uu yahay laf-dhabarta amniga cuntada iyo koboca dhaqaalaha dalka.