Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay Rag lagu eedeeyay Dilal & Qaraxyo
Maxkmada Ciidamadanka ayaa maanta ku fulisay xukunkii dilka ahaa ee horey ay ugu riday Anas C/qaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow oo ka tirsanaa As , gaar ahaan qeybta Qaraxyada iyo Dilalka gaadmada ah.
Dadka la xusay in ay dileen Anas iyo Aadan waxaa kamid ah Nabadoonno ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo qaybta uu maamulo Maamulka Puntland sida lagu sheegay warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka..
Xabsiyada Dowladda waxaa ku xiran Rag lagu xukumay dil toogasho ah kuwaas oo ku eedeysan in ay dilal iyo qaraxyo gaysteen, muddooyinkii dambe waxaa si isdaba joog ah u fuliyay xukunno ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.