Sheekh Shariif oo Guddoomiyay Shir Muhiim ah oo Ka Dhacay Muqdisho
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa goordhow guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen Madasha Samatabixinta Qaranka, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo ismariwaaga siyaasadeed ee sii kordhaya.
Warar laga helayo xubno ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in ajandaha ugu weyn ee lagu falanqeeyay kulanka uu ahaa qodobadii maanta kasoo baxay Villa Soomaaliya, kuwaasoo Madashu ku tilmaamtay kuwo horeyba ay u diideen. Waxaa la sheegay in shirku uu si adag uga falceliyay tallaabooyinka Villa Soomaaliya, isagoo baaq u diray madaxda dowladda.
Madasha Samatabixinta ayaa ku baaqday in Villa Soomaaliya ay wajahdo waaqiciga siyaasadeed ee taagan, isla markaana ay aqbasho qodobada muhiimka ah ee mucaaradku saldhig uga dhigay doodda siyaasadeed.
Madashu waxay sidoo kale sheegtay in laga fogaado fal kasta oo sii hurin kara xiisadda, loona baahan yahay in si daahfuran loo wajaho xalinta khilaafaadka taagan.
Shirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo siyaasadda dalka ay marayso marxalad adag, iyadoo mucaaradku ay ku adkeysanayaan in la qabto wadahadallo dhab ah oo lagu salaynayo heshiis siyaasadeed oo laga wada qeyb qaato.
Waxaa la filayaa in Madasha Samatabixintu ay maalmaha soo socda sii wado kulamada iyo la-tashiyada siyaasadeed ee looga golleeyahay xal waara oo laga gaaro xaaladda dalka.