Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Trump oo TikTok ka difaacay khataraha dalkiisa horay uga muujiyay shirkaddaas

Trump oo TikTok ka difaacay khataraha dalkiisa horay uga muujiyay shirkaddaas

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si cad u difaacay Shirkadda TikTok ee laga leeyahay Dalka Shiinaha oo xifaaltan dhinaca Ganacsiga iyo Militariga kala dhaxeeya Dalkiisa isla markaana horay loogu eedeeyay in ay halis ku tahay amniga Dalkaas.

Trump ayaa sheegay in buunbuunin aan jirin lagu sameeyay shirkadda TikTok sida in laga dhigay bar si gaar ah amniga qaranka Maraykanka halis ugu ah iyada oo laga eegayo Dalka laga leeyahay shirkaddaan iyo sida ay xifaaltamaan.

Aaminaadda uu ku qabo shirkadda TikTok ayuu Donald Trump gaarsiiyay heer Mustaqbalka Ameerika iibsan karto inkasta oo aanay suuragal noqon Karin marka la eego bayaan horay uga soo baxay Maamulka Shirkaddaas.

Donald Trump ayaa aaminsan in ololihii Doorashadii uu ku guulaystay sanadkii hore qayb wayn ka qaadatay aaladdaan oo dad badan kusoo bandhigaan muuqaallo iyo sawirro kooban halkaasina uu ku kasbaday codadkii badnaa uu helay.

Aqalka Cad Maraykanka ayaa sii xoojiyay arrintaan, waxa uu dib u furtay bartiisa TikTok oo muddo xayiraad saarnaa, waxa ay tani fasaxaysaa in xarumaha muhiimka ah dib loogu furi doonno sidoo kalena dad badan ay dib u heli doonnaan koontooyinkooda.