Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Shirweynaha Todobaadka Kalluumeysiga Soomaaliya oo si rasmi ah Muqdisho looga soo xiray

Shirweynaha Todobaadka Kalluumeysiga Soomaaliya oo si rasmi ah Muqdisho looga soo xiray

Shirweynaha Todobaadka Kalluumeysiga ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta looga soo xiray magaalada Muqdisho, kaddib laba maalmood oo dood iyo wadatashi ku saabsan horumarinta qeybta kalluumeysiga.

Xiritaanka shirkan waxaa hoggaaminayey Wasiirka Kalluumeysiga, Axmed Xasan Aadan. Intii uu socday, shirku waxa uu isu keenay mas’uuliyiin dowladeed, khubaro kalluumeysi, iyo daneeyayaal si ay uga wada hadlaan fursadaha kobaca dhaqaalaha badda, horumarinta siyaasadaha, iyo dardargelinta maareynta waara ee kheyraadka badda.

Qodobbada ugu waa weyn ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga badda, iskaashiga caalamiga ah, iyo taageerada loo fidinayo beeraleyda badda Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha badda iyo maamulka mas’uuliyadda leh ee kheyraadka kalluumeysiga dalka.