Tartanka Adag ee Madaxtinimada waqooyi Barri oo Maraya Meel Xasaasi ah, Iyadoo 5 Musharrax Ay Ku Loolamayaan 20 Cod Muhiim
Tartanka madaxtinimada waqooyi Barri Soomaaliya ayaa galay marxalad xasaasi ah, iyadoo shan musharrax ay si weyn ugu tartamayaan 20 cod oo muhiim u ah wareegyada hore ee doorashada.
Musharrax kastaa wuxuu si gaar ah ugu mashquulsan yahay sidii uu u heli lahaa taageerada xildhibaanada, iyadoo isbahaysiyo siyaasadeed ay si degdeg ah isu bedbedelayaan.
Warar laga helayo ilo-wareedyo u dhow musharraxiinta ayaa sheegaya in kharashka guud ee lagu bixin doono ololaha doorashada uu gaarayo $4 illaa $5 milyan, taasoo muujinaysa sida ay tartanku u adag yahay.
Ilo siyaasadeed ayaa tilmaamaya in qiimaha codka keliya uu durba kor uga booday $20,000, xilli la sugayo furitaanka “suuqa codadka” oo ay hormuud u yihiin ololaha musharraxa Firdhiye oo taageero ka helayo Villa Soomaaliya.
Firdhiye, oo ka mid ah musharraxiinta ugu cadcad isla markaana taageero ka helaya Dowladda Federaalka, ayaa lagu qiyaasayaa inuu u baahan yahay ugu yaraan 38 illaa 42 cod si uu wareegga koowaad ugu gudbo si kalsooni leh. Hase yeeshee, warar ka soo baxaya gudaha kooxdiisa ayaa muujinaya walaac ah in taageeradiisu ay ka hooseyso 30 cod, taasoo khatar ku ah guushiisa.
Iyadoo gorgortanka siyaasadeed uu cirka isku shareerayo, indhaha oo dhan waxay u jeedaan istaraatiijiyadaha kala duwan ee ay adeegsan doonaan Villa Soomaaliya iyo xisbiyada kale, iyadoo natiijada kama dambaysta ahi ay si weyn ugu xirnaan doonto awoodda ay koox walba u leedahay inay mideyso taageerada baarlamaanka ee kala qaybsan.