Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Booliska Soomaaliyeed oo Gubay 250 Kartoon oo Daroogo ah

Booliska Soomaaliyeed oo Gubay 250 Kartoon oo Daroogo ah

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta ku dhawaaqay in 250 kartoon oo daroogo ah lagu gubay fagaare ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib amar kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Shirka jaraa’id ee uu qabtay Afhayeenka ayaa lagu sheegay in daroogadan ay qabteen hey’adaha ammaanka xilli la doonayay in dalka laga soo geliyo iyada oo loo marayo Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda.

“Waxaa maanta si fagaare ah loo gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo la doonayay in si sharci darro ah dalka lagu soo geliyo. Waxaa gacanta ku dhigay ciidanka ammaanka, waxaana maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in la gubo si looga hortago khatarteeda,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda inay dalka kusoo smuggle gareyso maandooriyeyaasha, isagoo xusay in la xoojiyay la socodka iyo amniga goobaha laga soo galo dalka.

Booliska Soomaaliyeed ayaa marar badan ku guuleystay in ay fashiliyaan isku dayo lagu soo galin lahaa daroogo iyo maandooriye kale, waxaana talaabadan ay muujineysaa sida ay u heegan yihiin laamaha ammaanka ee la dagaalanka dambiyada la xiriira mukhaadaraadka.