Masar oo Si Dadban Uga Jawaabtay Dhaleeceynta Safiirka Itoobiya ee Ku Saabsan Ciidamadeeda Soomaaliya
Dowladda Masar ayaa si dadban uga jawaabtay hadalladii safiirka Itoobiya ee dhaliilay ka qaybgalka ciidamada Masar ee Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay Addis Ababa in ay abuureyso shaki ku saabsan ujeedooyinka Masar.
Ilo diblumaasiyadeed oo Masar ka tirsan ayaa sheegay in Itoobiya ay isku dayayso in ay khaldo aragtida ku saabsan ka qaybgalka ciidamada Masar ee hawlgallada AUSSOM, iyadoo lagu eedeeyay inay abaabuleyso mucaarad ka dhan ah joogitaanka ciidamadaas.
Masar ayaa caddeysay in howlaheeda Soomaaliya yihiin kuwo daahfuran oo ku saleysan iskaashi nabad ilaalin, isla markaana aysan wax khatar ah ku ahayn Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u taageertay ka qaybgalka Masar, waxaana arrintan ansixiyay Golaha Nabadgelyada Midowga Afrika.
Bishii Agoosto 2024, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi milatari oo soconaya illaa 2029, iyadoo Masar sidoo kale Muqdisho u dirtay qalab ciidan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka lagu keenay ciidamada Masar uu yahay mid madax-bannaan oo aan Itoobiya khuseyn.