Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Taliyaha Guud ee Ciidanka Iran oo digniin culus u diray Israa’iil iyo Maraykanka

Taliyaha Guud ee Ciidanka Iran oo digniin culus u diray Israa’iil iyo Maraykanka

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran, Jenaraal Amir Hatami, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku maray saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaalooyinka Isfahan, Tabriz iyo Hatami, isagoo halkaas kula hadlay saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee Iran.

Intii uu ku sugnaa saldhigyadan, Jen. Hatami ayaa digniin adag u diray Israa’iil iyo Maraykanka, isagoo sheegay in ciidamada Iran ay “isku diyaariyaan duullaan cusub oo laga filayo Israa’iil”, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhawaan dhacay ay ku fashilmeen Israa’iil iyo Maraykanku, isla markaana hadda ay mar kale qorsheynayaan weerar kale oo ay la kaashanayaan xulafadooda NATO.

“Iyada oo aan ka faa’iideysaneyno guulihii laga gaaray iska caabintii hore, waxaan diyaar u nahay inaan ka hortagno weerar kasta oo ay soo abaabulaan Israa’iil, Maraykanka ama xulafadooda reer Galbeedka,” ayuu yiri Jen. Hatami.

Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisadaha gobolka ay cirka isku sii shareerayaan, iyadoo Iran ay sare u qaaday feejignaanta militari ee saldhigyada muhiimka ah ee dalka.