Safarka Boqolka Maalmood ee xil haynta Gudoomiyaha Gobalka Banaadir safar laga mira dhaliyay wax qabad iyo Adeeg Bulsho
Gudoomiyaha ahna Mayerka Gobolka Banaadir Muungaab waa shakhsi kulansaday aqoon iyo waayo aragnimo, taas oo sababtay in uu wax ka badal balaaran ku sameeyo maamulka gobolka Banaadir.
Waxaa 100 ka maalmood oo uu xilka hayay laga dareemayaa Gobolka Banaadir, bilicsami, dhismayaal wadooyin ay ku adkayd bulshada gobolka banaadir in ay ku ganacsadaan, gaadiidkuna si wanaagsan u maraan.
Waa howl kar u dhaga nugul dadka dulman, hamigiisuna yahay sidii caasiamadda dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ay iyagu iskood u soo xushaan shakhsiga ay rabaan.
Su’aashu waxaa ay tahay, Gudoomiye Muungaab ma yahay kii shacabka Muqdisho u baahnaayeen? Waa General xagga ciidanka darajadaas ka gaaray, waa aqoon yahan, waxaa uu xilalal kala duwan ka soo qabtay Maxakamadaha dalka iyo Gobolka Banaadir oo uu mar labaad xil ka qabanayo.