Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

ICRC oo sheegtay sanadkaan in ka badan 5,000 oo bukaan ay heleen gargaar deg-degga ah

ICRC oo sheegtay sanadkaan in ka badan 5,000 oo bukaan ay heleen gargaar deg-degga ah

Xilli todobaadkaan adduunka laga xusay maalinta gargaarka deg-degga ah oo ku beegan September 13 ayaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliya, oo ay taageerto Hay’adda ICRC, ayaa dalka oo dhan ka fuliyay barnaamijyo gargaarka deg-degga ah iyo daryeelka ka hor isbitaalka, si bulshada Soomaaliyeed aysan kaligood ugu nuglaan xaaladaha deg-degga ah.

Warbixin uu soo saaray Ururka Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in intii lagu jiray sanadkii 2024 iyo bilihii hore ee 2025 ay tababareen boqolaal qof si ay u bartaan xirfado muhiim u ah nolol-badbaadinta, sida dhiig-joojinta iyo xasilinta dhaawacyada.

Mutadawiciinta tababaran oo tiradoodu gaaraysa 300 ayaa hadda ka howlgala magaalooyinka waaweyn ee dalka, oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Gaalkacyo iyo Laascaanood, iyagoo taageero siinaya kooxaha ambalaasyada.

Sida lagu xusay warbixinta, sanadkan oo keliya in ka badan 5,000 oo bukaan ayaa helay adeegyo gargaarka deg-degga ah, kuwaas oo ay ku jiraan boqollaal dhaawacyo ah oo ka dhashay rabshado hubeysan.

Sidoo kale, kumannaan xirmooyin gargaarka deg-degga ah ayaa bulshada loo qaybiyay, si loogu diyaariyo xaaladaha lama filaanka ah.

Machadka Tababarrada ee Ururka Bisha Cas ee Muqdisho ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan bixinta xirfadaha nolol-badbaadinta, iyagoo bulshada u diyaarinaya in ay noqdaan kuwo karti u leh bixinta gargaarka deg-degga ah marka loo baahdo.