Wasiirka Dakadaha oo Ka Qeybgalay Bandhigga TEKNOFEST 2025 ee Istanbul, Kuna Dhowaaqay Himilooyinka Mustaqbalka iyo Horumarinta Teknoolajiyadda.
Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur, ayaa ka qeybgalay furitaanka bandhigga tiknoolajiyadda ugu weyn caalamka ee TEKNOFEST Istanbul, kaas oo ay hoggaaminayaan Wasaaradda Warshadaha iyo Teknolojiyadda Turkiga iyo T3 Vakfı.
Wasiirka ayaa sheegay in TEKNOFEST, oo ah bandhig ku saabsan hawada, hawada sare iyo tiknoolajiyada casriga ah, uu xambaarsan yahay himilo lagu horumarinayo teknoolajiyada gudaha, lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada inay ku jihaystaan cilmiga iyo hal-abuurka, isla markaana lagu xoojinayo warshadaha gudaha.
Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay rajeyneyso inay sannadaha soo socda ka qeyb gasho TEKNOFEST heerar kala duwan, taas oo u suuragelin doonta inay khibradda iyo aqoonta la wadaagto gudaha dalka.
Wasiirka Dakadaha ayaa uga mahadceliyey martiqaadka iyo soo dhaweynta, isaga oo si gaar ah u xusay Wasiirka Warshadaha iyo Teknolojiyadda Turkiga Mehmet Fatih Kacır iyo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta TEKNOFEST Selçuk Bayraktar.