UK, Canada iyo Australia oo shaaciyay in ay aqoonsadeen Falastiin
Dowladaha Boqortooyada Ingiriiska, Canada iyo Australia ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in ay si rasmi ah u aqoonsadeen dawladda Falastiin.
Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa sheegay in aqoonsigani uu yahay fariin cad oo taageero u ah nabadda iyo midnimada ay la doonayaan shacabkaasi.
Waxa uu intaas ku daray in ay Falastiiniyiinta u ballan qaadayaan qabashada Doorasho guud oo sannadka soo socda ah iyo dib u habeynta Maamulka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese ayaa isna xaqiijiyay in dalkiisu ku biiray go’aanka, isagoo sheegay in aqoonsigaasi uu qeyb ka yahay dadaal caalami ah oo loogu gogol xaarayo xalka laba dowladood.