Dowladda Soomaaliya oo sheegtay In G/Hiiraan lagu dilay horjoogayaal sare oo ka tirsan maleeshiyaadka AS.
Saddex horjooge oo ka tirsanaa AS ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay ciidamada Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ka fuliyeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Horjooge Cabdi Xiiray, oo ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee AS isla markaana u qaabilsanaa deegaannada Hirshabeelle, ayaa ka mid ah horjoogayaasha la dilay.