Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada Itoobiya oo ka digay diidmada sheegashada Badda Cas iyo Dekedda Casab

Ciidamada Itoobiya oo ka digay diidmada sheegashada Badda Cas iyo Dekedda Casab

Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu diido sheegashada Itoobiya ee Badda Cas iyo Dekedda Casab uu yahay mid aan macquul ahayn oo u dhigma burcadnimo.

Warsaxaafadeed lagu daabacay boggooda rasmiga ah ee Facebook-ga, ciidanka ayaa arrintan ku tilmaamay “xanuunka Itoobiya ka haystay in ka badan soddon sano,” oo hoos u dhigay sharafka qaranimada dalka isla markaana carqalad ku noqotay danaha istiraatiijiyadeed ee juquraafiyeed.

ENDF ayaa intaas ku dartay in soo qaadista su’aasha Badda Cas heer caalami ah ay ciidamadu ku abuurtay “farxad weyn,” isla markaana ay diyaar u yihiin in naf iyo maal kasta lagu bixiyo xaqiijinta danaha qaranka.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisaddu sii xoogaysanayso, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ee ku saabsan helitaanka marin badeedka iyo dekedda Casab.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa marar badan ku celceliyay baahida dalkaasi u qabo marin badeed. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhankiisa sheegay: “Ethiopian kasta oo aaminsan in Itoobiya weligeed maxbuus ku ahaan doonto juquraafi ahaan waa qof dhintay.”