Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir maalgashi Soomaaliya iyo Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir maalgashi Soomaaliya iyo Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan u safro dalka Uganda, halkaas oo uu 7–8 October uga qeyb geli doono shir maalgashi oo u dhexeeya ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Uganda.

Shirka ayaa lagu wadaa in lagu kala saxiixdo heshiisyo is-afgarad ah oo u ogolaanaya ganacsatada Soomaaliyeed inay si fudud ganacsigooda ugu gaarsiiyaan Uganda, halka ganacsatada reer Uganda-na loo siin doono fursado ay ku maalgashadaan Soomaaliya.

Ujeedada shirka ayaa ah in la xoojiyo ganacsiga labada dal iyo in la fududeeyo caqabadaha sharci ee horay ugu jiray ganacsatada Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalalka deriska, iyadoo dowladda Soomaaliya ay doonayso in heshiisyada la jaan qaadaan xeerarka Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).