Iiraan oo toogatay 6 qof oo ay ku eedaysay in ay Israa’iil la shaqaynayeen
Dowladda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sabtida maanta ah fulisay xukun toogasho ah oo lagu riday 6 ruux oo ay ku eedeysay in ay la shaqaynayeen Israa’iil isla markaana ay faraha la galeen falal amniga liddi ku ah oo lagu qalqalgelinayay dadka degen xadka uu dalkaas la wadaago Ciraaq.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay daqiiqado kaddib markii xukunkaas la fuliyay in Dadkaan ay qirteen la shaqaynta Israa’iil, waxaana falal ‘Argagixiso’ ka wadeen Gobolka Khuzestan ee dhaca Xadka Dalka Ciraaq sida hadalka loo dhigay
Bambooyin ayay aasayeen si ay qaraxyo u sameeyaan, waxa ay sidoo kale weerari rabeen goobaha shidaalka ee Khorramshahar sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Dowladda ee laga baahiyay Warbaahinta Afkooda ku hadasha.
Xabsiyada Iiraan waxaa ku xiran Dad ku eedaysan in ay la shaqeeyeen Israa’iil kaddib markii weerar xooggan ay Yuhuudda ku qaadday goobo Istaraatiiji ah, horay waxaa dil toogasho ah iyo daldalaad nafta lagu dhaafiyay qaar kamid ah Dadka lagu eedeeyay Basaasnimada.