Israel Oo 6 Milyan Dollar Ku Bixinaysa Dhisidda Shabakado AI Ah Si Loo Xakameeyo Macluumaadka Dagaalka Gaza.
Dowladda Israel ayaa qorsheyneysa in 6 milyan oo dollar lagu dhiso shabakado internet-ka oo lagu xakameynayo barnaamijyo AI, sida ChatGPT, Gemini, iyo Gro, si loogu shubo macluumaad taageeraya Israel.
Qorshahan ayaa sidoo kale qayb ka ah mashruuc weyn oo sannadkii lagu kharashgareynayo in ka badan 140 milyan oo dollar si muddo shan sano ah looga saaro internet-ka xog kasta oo ka dhan ah Israel ama la xiriirta dagaalka Gaza.
Mashruucan waxaa fulinaya shirkad uu leeyahay Brad Parscale, oo ahaa maamulihii hore ee ololaha doorashada Donald Trump.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Israel ay la kulantay cadaadis caalami ah, gaar ahaan ka yimid dalalka Galbeedka, kadib dibadbaxyo waaweyn oo lagu diiday ficillada arxan-darrada ah ee Israel. Waxaa ka dhacay caasimadaha Galbeedka isu soo baxyo ay ka qayb galeen malaayiin qof, halka Carabta ay dhacday kaliya Yemen.
Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa toddobaad ka hor sheegay:
“Bambooyinka Mareykanka waxaa ka xooggan oo saameyn iyo xanuun darran leh baraha bulshada oo ay ka socdaan wax naga dhan ah.”
Sidoo kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa qiray in:
“Israel waxaa laga nacay dunida.”
Madaxda caalamiga ah sida Vladimir Putin ayaa sidoo kale digniin ka bixiyay, isagoo sheegay in Israel ay wajahday nacayb ka yimid jiilka da’yarta ah iyo in loo baahan yahay in la dhageysto codka Falastiiniyiinta si xal waara loo gaaro.