Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Waddamada Carabta oo diiday maalgelinta AUSSOM, balse doortay in ay taageeraan hay’adaha amniga Soomaaliya

Waddamada Carabta oo diiday maalgelinta AUSSOM, balse doortay in ay taageeraan hay’adaha amniga Soomaaliya

Wadamada Carabta oo loo soo bandhigay in ay bixiyaan lacagta AUSSOM ayaa diiday waxa ayna sheegeen in ay maalgalinayaan hay’adaha amniga Soomaaliya badalkii ciidanka AU-da.

Maraykanka oo diiday taageera howlgalka oo soo socotay in ka badan 15 sano ayaa ku dooday in caalamku qaybsado lacagta badalkii culayska ugu badan Maraykanka la saari lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qorshahaan ku qancisay dalalka Carabka oo ay ku jiraan Kuwayd, Qatar iyo Sucuudiga.

Qatar ayaa durba bilaawday waxa ayna sheegtay in ay maalgalinayso Turksom si loo laba jibaaro tababarka iyo qalabataynta ciidanka Gorgor.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in heshiiskaas lagu saxiixo Muqdisho iyadoo wafdi ka socda Qatar imaan doono caasimada Soomaaliya. Hada waxaa maalgalinta AUSSOM diyaar u ah kaliya Midowga Yurub oo ku dhawaaqay lacag dhan 60 miylan oo dollar.

Dalalka Carabta ayaa sidoo kale ka cabaya culays dhaqaale oo ku soo wahan maadaama ay sugayso dib u dhiska Qaza oo balaayiin dollar ku baxayso si nolol loogu abuuro shacabka dhibaata xun wajahay labadii sano ee la soo dhaafay.