Israel Oo Weerar Labaad Ka Fulisay Gaza Saacado Gudahood, Halkaasoo Hal Qof Lagu Dilay
Israel ayaa maanta laba jeer weerar ka geysatay Marinka Gaza, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israeli ka dhacay Khan Yuunis oo koonfurta Gaza ah, halkaasoo ugu yaraan hal qof lagu dilay, tiro kalena lagu dhaawacay, sida uu sheegay Al Jazeera.
Weerarradan ayaa ka dhigan in Israel aysan waxba ka soo qaadin heshiiskii xabbad-joojinta ee shalay lagu dhammeystay Masar, xilli horey ay isku dayday inay jebiso.
Sidoo kale, shalay, shan rayid ah ayaa lagu dilay weerar Israeli ah oo ka dhacay xaafadda Shuja’iya, iyadoo ciidamada Israel ay ku andacoodeen in dadka la dilay ay ku soo dhawaadeen goobaha ay ku sugnaayeen.