Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo maanta ku wajahan Itoobiya
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo wafdi la socda ayaa maanta ku wajahan Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya si uu halkaas kula kulmo Madaxda dalkaas sida wararku sheegayaan.
Si dhab ah looma shaacin waxyaabaha ay kawada hadlayaan labadaan dhinac waa Somaliland iyo Itoobiya, sidoo kale waxaa hoos loo dhigay xogta safarka Cabdiraxmaan Cirro sida in faah-faahin hordhac ah laga sii bixiyo.
Cirro ayaa dhowaan kasoo laabtay safar uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta oo uu uga qaybgalay shir gaar ah, waxa uu kulamo lasoo qaatay madaxda dalkaas carbeed oo aan faahfaahin dhammaystiran laga soosaarin natiijada kasoo baxday kulankooda.
Itoobiya ayaa ku guuldaraysatay heshiis xadgudub ku ah midnimada iyo wadajirka Soomaaliya oo billowgii sanadkii hore ay la gashay Xukuumadda Madaxweynihii doorashada looga adkaaday ee Muuse Biixi, Cirro waxa uu kamid ahaa dadka su’aalaha dul dhigay heshiiskaas.